Akhriso:-War-Murtiyeedka ka soo baxay Shirkii ka dhacay Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka

0
1 5 620x330
1 5 620x330

Shirkii Madasha iskaashiga Soomaaliya ee lagu soo gaban gabeeyay Wadanka Belgium-ka waxaa ka qayb galay ergo ka timid 58 wadan iyo Lix heey’adood oo caalami ah.

Shirka oo 16 kii iyo 17 kii bishaan Socday ayaa Shalay lasoo gaban gabeeyay waxana laga soo saaray war murtiyeed ku aadan Taageradda Beesha Caalamka iyo waxyaaba mudnaanta leh ee Dowladda Soomaaliya looga fadhiyo in ay ku tilaabsato.

Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Wakiilka sare ee Arrimaha Dibadda ahna Madaxweeyne ku xigeen Midowga Europe Federica Mogherini iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden Margot willistrom ayaa sida jir ah u gudoomiyay Shirkaas.

Warmurtiyeedka laga soosaray shirka oo ka kooban 81 Qodob ayaa waxaa uu diiradda saarayaa isfahamkii dhacay intii uu shirku socday.

Madaxdii isugu tagtay Brussels waxay aqoonsadeen in shirku uu ku qabsoomay jawi isbadallo Taariikhi ah oo wanaagsan ay ka hano qaadeen Geeska Africa,  Isbadaladaas oo ah Dib u heshiisiin, xasilooni iyo Is dhaxgal   dhaqale.

Waxaa warmurtiyeedka lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sameeyneeyso Horumar muuqda iyadoo caqabado badan ay jiraan,  Dowladdu ma gaari karto Horumadda ay Hiigsaneeyso, haddii aan la tayeeyn Heey’adaha Dowladda, sidoo kale waxaa loobaahanyahay Hanaan isla Xisaabtan ah oo ku laran horumarka Mudda dheer.

Waxaa lasoo dhaweeyay  Heshiiskii Siyaasadeed ee u dhexeeyay Maamul Goboleedyadda iyo Dowladda faderalka ah ee Wadada u xaaraya Sharci Doorasho.

“Heshiiskaasi waxaa uu tilaabo weeyn u yahay Xaqiijinta Doorasho Qof iyo Cod ah sanadka 2020 taasi oo noqoneeysa markii u horreeysay tan iyo sanadkii 1969 ki” ayaa lagu sheegay War murtiyeedka Brussels.

Qoomamo Adag ayaa lagu sheegay Warmurtiyeedka taas oo ku saabsan geerida dad aan waxaba galabsan oo ka dhalatay Weeraradda Al-shabaab.

“Dowladda Soomaaliy waxay  horumar kasameeysay sidii ku gaari lahayd Cafinta deymaha, taasi oo Soomaaliya fursad  u siineeysa in Beesha caalamku  taageero dhaqaale siiyaan.

Madaxda Dowladda faderalka ah iyo Maamul Goboleedyada aya alagu Booriyay in ay hubiyaan dhamaan waxyaabaha looga baahanyahay Hanaanka Doorashaddda, islamarkaana ay Heshiish siyaasadeed ka gaaraan arrimaha lagamaarkaan u ah in la xaqiijiyo Doorasho loo dhan yahay, Cadaalad ah, xor ah lana aamini karo Sanadka 2020.

Waxa sidoo kale loogu Baaqay Dhamaan maamul goboleedyadda in ay Doorashooyinkooda ku qabtaan waqtida lagu heshiiyay ee Dastuurka ku qoran.

War murtiyeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay in Lixda bilood ee soosocota ay muhiim u yihiin gaban gabeeynta dib u eegsita Dadtuurka, Dowladda Soomaaliya ayaana horay waqti ugu qabatay in December 2018 ay soo dhamaato dib u eegsita Dastuurka

Shirkii Brussels waxaa uu aman u soo jeediyay Qorsha kala guurka Amni ee Soomaaliya oo Ciidamadda Dowladdu ay masuuliyadda Amni ee lDalka kula Wareegayaan, Ciidamadda AMISOM-n ay Dalka uga baxayaan.

Wasaradda Gaashaan dhigga Somaaliya waxa lagua amaanay wax ka badalka qaabka ay ciidamadu mushaarka ku helaan.

Waxaa jira nidaam ku shaqaynaya farsamadda casriga ah oo ciidamadda lagu diiwaan galiyay kaas oo sahlaya in ciidamada mushaarkooda loo dhigo sanduuqa uu Bangiga ku leeyahay Askari kasta.

Waxaa Dowladda lagu amaanay xasiloonida dhaqaaale ee wadanka iyo xoojinta siyaasadah dhaqaalaha iyadoo loogu baaqay iney sii wado dadaalada dhinaca hormarka iyo amaanka.