Xog culus Muqdisho: Maxeey tahay Sababta Agaasimaha NISA Uu Shaqada Uga Joojiyay Ku Xigeenadiisa?

0
37375495 846936148830262 4466541210726563840 N
37375495 846936148830262 4466541210726563840 N

Agaasimaha NISA Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa shaqo joojin ku sameeyay ku xigeenadiisa koowaad iyo labaad ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, wuxuuna dul dhigay amarro adag.
Amarrada la dul dhigay labada ku xigeen ee Hay’adda Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa waxaa ka mida:-
• Inaysan geli karin Xafiisyadooda iyo Xarunta NISA.
• Inaysan wax shaqo ah qaban karin ilaa amar danbe.
• Inaysan magaca Hay’adda wax dhaqdhaqaaq ku sameyn karin sida Dhaqaale, Ciidan, IWM
• Labada Ku-xigeen iyo Agaasimaha NISA oo tan iyo markii la magacaabay aan isku wanaagsaneyn, isla markaana shaqo ahaan xayiraad lagu soo rogay ayaa la filayey inuu xilalka ka qaado Wasiirka Amniga, waxaase kasoo hormartay shaqo ka joojintan kadib dabagal uu maalmahana si hoose ugu hayay Agaasimaha NISA Xuseen Cusmaan Xuseen kadibna ku helay cadeymo lagu Maxkamadeyn doono maalmaha soo socda.
• CABDALLA CABDALLA MAXAMED ayaa isaga lagu helay inuu Ganacsato iyo Shacab ku dhaqan Muqdisho iska xiran jiray kaasoo dusha u saari jiray Kiis aan jirin oo u saabsan inay al-Shabaab la shaqeeyaan kadibna Lacago Madax furasho ah sii deysmadooda Dadkaasi ka qaadan jiray iyo in Laptop-kiisa laga helay xiriir uu la lahaa Sirdoonka Imaaraadka oo u Lacago ugu qaadan jiray inuu XOGAHA dalka u gudbiyo Imaaraadka.
• C/QAADIR MAXAMED NUUR (JAAMAC) ayaa isaguna lagu helay inuu Musuq-maasuq dhanka Maaliyadda ah sameeyay intii uu Ku-simaha Taliyaha guud ee NISA ahaa markii laga qaaday xilkaasi Taliye Sanbaloolshe oo 100-maalmood uu ku-simaha Agaasimaha NISA ahaa isla markaana Dhaqaale badan dhunsaday iyo inuu Rasaas ay leedahay Hay’ada NISA maleeshiyaadka al-Shabaab siiyay sida la sheegay.
Si kastaba ha ahaatee, muran xoogan ayaa ka taagan shaqo joojinta Agaasimaha NISA Xuseen Cusmaan ku sameeyay ku xigeenadiisa oo sharci ahaan uu ku sameyn karo Shaqo joojin balse XILKA uu ka qaadi karo Madaxweyne Farmaajo, waxuuna Agaasimaha NISA amar buuxa ka haystaa Madaxweyne Farmaajo oo Saaxiib xoogan yihiin kuna amray inuu fuliyo wax kasta oo Hay’adaasi shaqadeeda habacsanaan ku keeneen isla markaana cid kasta oo u arka inaysan la shaqeyn kareyn uu eryi karo Madaxweynahana uu ku taageerayo.
Agaasimaha NISA Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa doonaya inuu Maxkamad soo istaajiyo Ku-xigeenadiisa oo Dambiyo culus uu ku hayo kuwaasoo muteysan kara in Xabsi la dhigo lana XUKUMO maalmaha soo socda, kadib markuu Agaasimaha NISA uu Muqdisho ku laabto kadib socdaal laba maalmood qaadan doona oo dhawaan uu ku imaanayo magaalada Nairobi oo shirar muhiiim ah uu ku leeyahay.