Ciidamada la dagaalanka hubka sharci darada Canada oo Xabsiga dhigay Dhalinyaro Somali ah

0
Police 620x330
Police 620x330

Ku dhawaad 6 dhalinyaro oo asalkooda uu yahay  Soomaali ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada la dagaalanka hubka sharci darada ah ee dalka Canada ay shalay gelinkii dambe ay ku xireen dalkaasi.

Saraakiisha Booliska ayaa waxaa ay sheegeen in  dhalinyaradan  looga shakisan yahay inay heysteen hub sharci daro ah,iyagoona sheegay in baaritaano ay ka sameeyeen  guri ku yaalla bartamaha magaalada Toronto ay ku soo qabteen dhalin yaradaasi.

Sidoo kale Saraakiisha Booliska Canada ayaa waxaa ay sheegeen in ay baaritaan ku sameyn doonaan dhalinyaradan, hadii dambi ku helaan  la horgeyn doono sharciga sida ay hadalka u dhigeen.

Magaalada Toronto ayaa waxaa xiligan la qorsheynayaa in ciidamo badan la geeyo xaafadaha magaaladaasi,duqa magaalada Toronto ayaa arintan waxaa uu ku sheegay in ay tahay sidii looga hortagi lahaa falalka amni daro ee ka dhaca dalka Canada.