Waxaa soo baxaaya cabashooyinka laga muujinaayo jabsashada Emailada qaar kamid ah shaqaalaha dowlada Somalia.
Kiiska jabsashada Emailada shaqaalaha ayaa kor u dhaafaya Todobaatan tan iyo wixii ka danbeeyay Bishii June ee aan soo dhaafnay.
Qaar kamid ah shaqaalaha laga jabsaday Emailada oo xiriir nala sameeyay ayaa sheegay in lagala baxay Dukumiintiyo sir u ahaa, Sawirro iyo macluumadyo kale oo ay ka gaabsadeen.
Dadka laga jabsaday Emailada ayaa waxaa kamid ah Shaqaale Wasaaradeed, Shaqaale ka howlgala Xarunta Villa Somalia iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka Dowlada oo intuba lagala baxay macluumaad sir u ahaa.
Shaqaalaha Wasaaradaha ee Emailadooda lagala baxay macluumaadka ayaa waxaa sidoo kale ku jira Guddoomiye waaxeedyo dhowr ah, sida ilaa iyo hadda aan xogta ku helnay.
Sidoo kale, Jabsashada ugu badan ayaa waxaa lagu eedeeya shaqsiyaad doonaya inay madax furasho, kuwaasi oo shaqaalaha ka dhex xusha kuwooda ugu dhaqaalaha badan, iyadoo haddii ay waayan ku goodiya inay faafinayaan macluumaadka ay ka hayaan.
Si kastaba ha ahaatee, talaabada ceynkaani ah ayaa shaki ka dhex abuureysa shaqaalaha Dowlada, waxa ayna meesha ka saareysaa in macluumaad lagu keydsado Emailada.