Shabaab oo gacanta ka gooyay wiil dhalinyaro ah

0
Gacan Goyn
Gacan Goyn

Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay fagaare ku yaalla deegaanka Kuunya Barrow ee Gobolka Shabellaha hoose ku fuliyeen xukun gacan goyn ah.

Wiilkan gacanta laga jaray ayaa lagu magacaabaa Maadey C/qaadir Cali, waxaana lagu eedeeyay in uu lacag ka xaday goob ganacsi oo ku taalla tuulada Dharkeenley oo hoostagta degmada Qoryooley.

Shaqsiga Al-Shabaab u ahaa qaadiga ayaa sheegay in Maadey uu dambigiisa qirtay sidoo kalena lagu helay caddeyn buuxda, sidaasina uu ku muteystay in gacanta laga jaro.

Boqolaal ruux ayaa daawanaayay goobta fagaaraha ah ee xukunka gacan goynta ah lagu sameeyay, waxaana Qaadiga Shabaab uu sheegay qiraal iyo cadeymo kadib in lagu helay dambiga ruuxaan.

Al-Shabaab ayaa deegaannada ay ka arrimiyaan waxay ka fuliyaan xukunno isugu jira toogasho, gacmo iyo lugu jaris.

Inta badan xukunada Shabaab ay ridaan ayaa ah mid hal dhinac ah oo dadka eedeysanayasha ah ma helaan fursado ay isku difaacaan.