Wasiir Beyle Musus-maasuq ayaan la dagaalamayaa iyo daaraha uu Hargaisa ka dhisanayo.

0

Wasiir Beyle ha is qabad siiyo Musus-maasuq ayaan la dagaalamayaa iyo daaraha uu Hargaisa ka dhisanayo.

Mar aan maanta daawanayay dood uu ka qeybgalay wasiirka Maaliyadda Mudane C.raxmaan Ducaale Bayle, taasoo ay su’aallo ku weydiinayeen dhalinyaro, ayuu kaga hadlay sida xukuumadiisa ay ula dagaalameyso Musuq maasuqa.

Mr. Bayle oo la weydiiyay su’aal aheyd, lacago loo qeybiyay xildhibaanada baarlamaanka oo tiradeedu dhameyd 5,000 (shan kun oo dollar), bal inay soo martay System-ka W. Maaliyadda, iyo isagu inuu ka mid ahaa xildhibaanadii lacagtaasi qaatay, waxa uu yiri.

“Maaliyaddeydu dalka kani waa auditable waxa ka baxayana systemkaas ballaaran ee meesha yaala ee IMF-tu keentay ee meel walba laga arki karo ayaa yaala, wax aan qof ku jiheysneyn ee xaqa u leh oo meeshaa ka baxa, mana dhicin, dhicina meyso adeer”

Intii aan daawanayay doodaasi oo ka baxeysay TV-ga Dowladda, ayaa waxaan fariin ka helay mid ka mid ah saaxiibadeyda reer Hargaisa, taasoo aheyd sawiro guri dabaq ah oo looga dhisayo Xaafada Jigjiga yar, gaar ahaana inta u dhaxeysa Hoteelada Mansoor iyo Safari kaasoo uu leeyahay wasiirka Maaliyadda Dr. Bayle.

Waxaan in muddo ah ku mashquulsanaa is waafajinta hadalka wasiirka iyo lacagta Musuqa ah ee u
u ku dhisanaayo dabaqa.

Ciddii u baahan iney baadho gurigaan waxuu u dhowyahay hotel Safaari, waxaana dhawaan  idinla wadaagi doonaa, dadka wakiilada u ah ee u dhisaaya gurigaas aan xusay.