Madixii Qaraxyada ee Shabaab Oo Duqeyn Lagu Dilay? Xog

0

Somali sahan  ayaa ogaatay in  Alshabaab ay u aheyd  xili murugo markii la dilay madaxii qaraxyadda Qaraxyo ay ku hoobteen lala beegsaday kaasoo ay ku waayeen Cabdiwali oo ahaa Madaxa Amniyaadka Guud ee Gobolka Banaadir.

Waa Kuma Cabdiwali?

Cabdiwali wuxuu ahaa  Madaxii Amniyaadka Gobolka Banaadir kaasoo masuul ka ahaa Qaraxyada iyo Dilalka Qorsheysan ee umada ay ku hayeen Alshabaab, wuxuuna fuliyey Qarixii abid ugu weynaa ee umada Soomaaliyeed lagu Xasuuqo kaasoo ahaa Qarixii isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho  kua naf waayeen dad kor u dhaafay Kun qofood inkastoo ay  Dowladu  qarisay Tirada Saxda ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.

Dhagar qabe Cabdiwali wuxuu u dhashay Beesha Habargidir gaar ahaan Ceyr isagoo hooyadiisna ay aheyd Beesha Gaaljecel, wuxuuna ahaa nin dhalinyara ah kuna howlgali jiray magacyada Cabdiwali iyo Cabdiqani.

Qaatil Cabdiwali wuxuu xilkan hayey laga soo bilaabo sanadkii 2014 isagoo fuliyey dilal iyo qaraxya badan oo laga argagaxay hase ahaatee wuxuu magaciisa soo shaacbaxay oo laamaha Sirdoonka Caalamka iyo kan gudahaba laga bartay sanadkii 2014 bishii Juulaay markaa oo uu sheegay magaciisa Dhagarqabihii dilay Xilibaanad Saado Cali warsame kaasoo lagu magacaabi jiray Shuceyb Mahdi isagoo Sirdoonka Qaranka u qiray in falkan uu soo abaabulay Cabdiwali.

Xalay halkee lagu qaarajiyey Dhagarqabaha?

Cabdiwali oo aad loo doon doonayey gacantiisana ay ku maqan yihiin dad farabadan oo umada Soomaaliyeed qiimo weyn ugu fadhiyey ayaa xalay waxaa Diyaaradaha Mareykanku ku duqeeyeen guri uu ku sugnaa oo ku yaalay Degmada Jilib oo ah Caasimada Alshabaabka, waxaana xiliga duqeynta la joogay sadax xubnood oo sare kana tirsan Sirdoonka Alshabaab iyo xaas yar oo uu dhawaan guursaday iyadoo Alshabaab xiligan aan warka daabaceyno ay qodayaan halka lagu qaarajiyey Murtadkii weynaa ee Cabdiwali.

Sidoo kale xalay waxaa Alshabaab Duqeyn loogu geystay meelaha kala ah Hargeesa yareey iyo meel magaceeda lagu sheegay Guryaha Martida iyadoo labadaan goob ay yiin meelo ay ciidanka ku tababaraan kuna yaalo Gobolka Jubada Dhexe waxaana lagu dilay ku dhawaad boqol ka tirsan Qawaarijta Alshabaab.

Maxey ka dhigan tahay Dilka Cabdiwali?

Duqeynta lagu dilay Dhiigya cabkii weynaa ee Cabdiwali ayaa ka dhigay in nabar xoog leh ay gaartay Alshabaab iyadoo ay la murugoonayaan Shabaabka sidoo kalana waxey faxad iyo dabaal dag u tahay Shacabka Soomaaliyeed ee uu dhibaatada u geystay.