Musuqmaasuq Baahsan iyo Iibinta Fiisooyin Isxanbaar ah oo Ka Socda NISA. Eeg Cadeynta

0

Baaris dheer oo uu sameeyay Maqaamka.com Waxaa lagu ogaaday in 5 tii Bil ee lasoo dhaafay in uu Agaasimaha Guud ee NISA Mr Xusen Cusman Xusen uu Fiiisoyin dal ku gal u dalbay dad Shacab ah iyadoo laga dhigayo in ay yihiin saraakiil NISA ah oo arimo caafimaad ama waxbarasho u aadaya dalalka kala ah  Turki ,Sudan ,Kenya iyo Uganda.

Meeqa ayuu Qofkiiba ka qaataa

Lacagaha dadka laga kala qaada ayaa kala duwan iyadoo Agaasimaha uu  ku qaato Fiisaha Turkiga  lacag u dhexeysa 6 Ilaa 8 kun oo Dollarka Mareykanka ah, halka Fiisaha Dalka Sudan uu qofka ka qaato Lacag dhan  3 Kun oo Dollar, Dalalka Kenya iyo Uganda ayuu ka qaataa  8 Boqol ilaa 1200 oo Dolllarka Mareykanka.

Ilaa Meeqa qof ayuu Fiiso ka gatay

Ilaa hadda waxa la xaqiijiyay oo documents kooda lahelay 80 qof oo 39 ka mid ah uu udalbay Fiisaha Dalka  Turkiga.

Cadeynta

Hadaba waxaan halkaan kusoo bandhaynaa Documents arimahaas cadaynaya si Dowladda Federalka ay awood ugu hesho in ay ka furto Baaris rasmi ah si loo ilaaliyo sumcadda iyo sharafta Hay’adaha amniga Qaranka. iyadoo  documents kan laga soo hubin karo safaardaha lageeyay iyo dadkii lacagta laga qaatay oo qaarkood ay joogaan Qaraabadooda oo si dhibleh kusoo helay kharash ka ay laaluushka u bixiyeen.

 

Nabad iyo Nolol

Maanta waxay arintaan tijaabo ku tahay sida ay xukuumadda Nabad iyo Nolol daacada uga tahay ladagaalanka musuqmaasuqa Xataa hadii uu lugaha lagalo dadka ay jecelyihiin ee isaga dhiga inay daacad u yihiin lkn dantooda gaarka ah ka shaqeeya sida horey looga soo xigtay Agaasime NISA Xusen cusman xusen oo yiri “ Nabad iyo Nolol dabaal ayay ii maleeyaan lkn ani dantaydaan wataa ,uyukana  dantooday wataan, waa lakala danaysahaa meeshaan!!’

Arintan ayaa sidoo kale Dhabar jab ku ah qorshaha Dowlada kula tacaaleyso in ay Tahriibka ku dhinto iyadoo qaar badan kasoo celisay Liibiya iyadoo kaa shaneysa Qaramada midoobay xafiiska u qaabilsan qaxootiga oo qarasha soo celinta bixiya lakiin Magafayaasha Liibiya iyo Suudaan ku sugan waxaa ka daran Magafaha cusub ee Fiisooyinka gadanaya kaasoo sahlaya Tahriibka waana Agaasimaha NISA Xuseen Cismaan oo loo yaqaan Calool Kuus.