Halkuu ku Wajahan yahay Cabdala Cabdala?

0

Shalay ayey aheyd markii uu Garoonka Aadan Cade ka dhoofay Jeneraal Cabdala Cabdala kadib markii uu ku Fashilmeen is hortaag uu sameeyey Fahad Yasiin iyo Xuseen Calool Kuus.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa shegaya Taliye xigeenkii hore ee  Nisa  Cabdalla Cabdala in uu gaaray magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti waxaana la filayaa in Maalinimada bari uu usii kicitimo Magaalada Manooco ee dalka Faransiiska halkaa oo uu ka dhacayo kulan arimaha Sirdoonka Geeska Afrika looga hadlayo.

Wararka ayaa sheegaya in maalinta arbacada ay taariikhdu ku beegantahay 13 september ugu qaybgali doono program ka hadlaya  argagixisada, waxaan kulaankaan uu dhacaa sanadkiiba mar waxaana iskugu yimaada Sirdoonada Caalamiga ee kala duwan,

Jeneral cabdalla cabdalla ayaa dhawaan Maxkamada ka furtay gal dacwadeed ku saabsan in madaxda Nisa ay Shabaab la shaqeeyaan.

Casuumada shirkan ayaanan  lakala hubin in ay tahay casuumad kal hore ku beegan gaar ahaan  Intii aanan xilka laga qaadin ama kadiba,waxaase daah saarneyn  in ujeedka loogu casumay shirka  ay tahay in uu halkaa macluumaad  kula wadaago sirdoonada kale.

Cabdala Cabdala ayaa la rumeysan yahay  in uu geed dheer iyo geed gaaban la koridoono la dagaalanka Kooxaha shabaabka ee Dowlada ku dhex jira gaar ahaan Fahad yaasiin iyo Xuseen calool Kuus oo labadaba kala haya taliya iyo taliya kuxigeen kuna eedeysan Shabaabnimo.