Document: Mukhtaar Roobow oo saameyn ku leh Go’aanadda NISA iyo Warqad Sir ah oo laga qoray Madaxda NISA

0

Document: Mukhtaar Roobow oo saameyn ku leh Go’aanadda NISA iyo Warqad Sir ah oo laga qoray Madaxda NISA  Qoraal ay qoreen xubno u muuqda inay yihiin sirdoon ku dhex jira Hay’adda Sirdoonka Soomaalida ee NISA, loona diray sarkaal ajnabi ah ayaa muujinaya
warbixinno laga qoray madaxda NISA. Qoraalka ayaa waxaa qoray laba nin oo magacyo
Soomaali ah wata, waxaan loo diray sarkaal ajnabi ah oo u muuqda inuu yahay Mareykan
ama reer Yurub, iyadoo looga warramayo xaaladihii ugu danbeeyay ee hay’adda NISA.
Warbixinta ku qoran qoraalka ayaa ah warar uu bixiyey taliye ku xigeenkii hore ee NISA Jen. Cabdalla Cabdalla Maxamed oo dhowaan xilka laga qaaday, waxaase lagu kordhiyey in Sheekh Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa madaxdii hore ee NISA oo hadda heshiis kula jooga dowladda Federaalka uu degan yahay xarunta weyn ee NISA, isagoo saameyn ku leh
go’aannada Hay’adda NISA.