Koox diimeedyo doonaya iney qabsadaan maamulka Koonfur Galbeed

0

Koox diimeedka AlTixaad,gaar ahaan firqada Al Ictisam ayaadooneysa iney xoojiso awoodeeda siyaasadeed Soomaaliya iyadoo qabsaneysa maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Kooxdan waxaa la sheegaa iney tahay mida ugu dhaqaalaaha badan koox diimeedyada Soomaaliya. Wararka laga helaayo Villa Soomaaliya ayaa sheegaya iney dhowr jeer halkaas ka dhaceekulamo ay kooxdu kaga shireyso aayaha maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan sidii loo heli lahaa madaxweyne Ictisaam ah. Waxaa ay kooxdu isku soo hadal qaaday in Muqtaar Roobow la geeyo. Xubno ay ka mid yihiin Fahad Yasin, Shoole iyo ganacsato waa weyn oo ka tirsan waaxda fulinta ee Ictisaam ayaa tagay shirka. Waxaana wararku sheegayaan in lagu balamay kulan kale oo lagugo’aaminaayo qofka uu noqonaayo musharaxa Ictismaan ee maamulka Koonfur Galbeed. Roobow ayaa tan iyo markii uu kasoo baxay Al Shabaab waxaa uu bilaabay inuu dib u abaabulo Ictisaam. Farmaajo ayaa la aaminsaan yahay inuu diyaar u yahay inuu lacag badan ku bixyo
hadii uu Roobow u tartamaayo doorashada dhici doonta bisha November ee sanadkan. Shariif Xasan iyo Villa Soomaaliya ayaan wada socon tan iyo markii ay dowladu isku dayay iney kiciso xildhibaanada laga soo doorto Bay iyo Bakool. Hadana sidaas oo ay tahay waxaa jira xiriir gaar ah oo ka dhaxeeya madaxweyne Shariif Xasan iyo Ra’iisul wasaare Kheyre.
Hadii ay kooxda Ictisaam qabsato maamulka Koonfur Galbeed waxaa la aaminsan yahay in Al Shabaab ay labbo jibaari doonaan dagaalada ay ku qaadaan xarumaha iyo deeganada uu ka taliyo maamulka Koonfur Galbeed.Koox diimeedyda Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya dagaal culus.