Shaqo badan ayaa u taala qofkii Farmaajo ka badala xukunka Soomaaliya

0

Farmaajo ayaa
siyaasad qarka iska tuurnimo ah ku hagayaSoomaaliya tan iyo markii uu xafiiska yimmid,
waxaana aad looga walaacsan yahaytalaabooyinka uu qaadayo marba marka xigta.
Dhowaan wuxuu xidigayaal ka dhigay sareeyo guuto, halka uu janano ka xayuubiyay xidigihii ay ciidamada ka heleen, wiilal 25 jir ah ayuu
abaanduulayaal ka dhigay, qaar safiiro qaarna gudoomiyaal gobal. Saxaafadii ayuu baray lacag xoogleh, waxaa uu soo kordhiyay dhaqan ah in madaxda saaxibadood sida madaxda loogu adeego. Wuxu dadka baray in madaxdu ka fal-caliso waxa ay
dhalinyaradu ku qorto Facebook. Wuxuu hormariya in qofkii ay is qabtaan isaga
ama saaxibadiis garoonka loo diido inuu ka dhoofo ama kasoo dago. Waxaa uu dhisay waax
faafisa beenta iyo dacaayda dadka kasoo horjeeda. Dhamaan dhaqamadaan waa kuwo ku cusub siyaasada Soomaaliya waxaana ay dad badan is weydiinayaan sida loo dabaqi doono ama looga gudbi doono dhaqamada noocan ah ,oo ay ku
jiraan qaar hoos u dhigaya sharafka iyo qiimaha madaxweynaha dalka. Qaar badan oo ka mid ah waxyaabaha uu Farmaajo soo kordhiyay waxa ay kasoo horjeedaan dastuurka dalka, laakiin dadkii arintaan ku faa’iiday ayaa u baahan doono in xal loo helo marka uu Farmaajo baneeyo xukunka. Dad badan waxey lee yihiin qofkii Farmaajo ka badala Somalia, waxaa u taala shaqo badan oo sixid u badan.