Jeneraal Cabdala Cabdala iyo Shirka Faransiiska Xog:

0

Maanta oo Arbaca ah waxaa shir looga hadlayo arimaha Argagixisa  Geeska Afrika uu ka furmay Dalka Faransiiska gaar ahaan Magaalada Monoco.

Shirkan oo lagu martiqaaday  Taliya kuxigeenkii hore ee NISA Jeneraal Cabdala Cabdala ayaa waxaa uu yahay mid sanadkan xiisa gaara uleh wadamada Danaha Sirdoon ka heysta Soomaaliya gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada ku baaheysa.

Sida ay daabaceen bogaga Faransiis  ee ka hadla arimaha Sirdoonka   sida  moi c’est encore ayaa waxaa kasoo dhex muuqday Shirka Jeneraal Cabdala Cabdala  isaga oo warbixin ka jeedinaya  shirka walow aanan helin xogta iyo waxa uu meesha ka sheegay lakiin ay dhab tahay in uu ka hadlay sida NISA ay ula wareegeen taladeeda kooxda Alshabaab.

Cabdala Cabdala ayaa sidoo kale la filayaa in uu macluumaad ku saabsan Fahad yaasiin iyo Xuseen calool Kuus oo labadaba kala haya taliya iyo taliya kuxigeen la wadaago Xogtooda ergooyinka Sirdoon ee dalalka galbeedka iyo sidoo xubnaha kale ee Amniyaadka Alshabaab uga dhex beeran Hey’ada Nabadsugida iyo sirdoonka.

Shirkaan ayaa Heydahada sirdoonka reer galbeedka diirada kusaaraan si gaar ah xubnaha argagixisada ah ee wata Dhalashooyinka wadamadooda ee ka howlgaka Geeska africa  iyo Xubnaha lagu eedeeyo Tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Labo cisho kahor ayey aheyd markii uu Cabdala Cabdala  si dirqiya uu uga badbaaday Shirqool Dil ah oo uu la maaganaa Fahad yaasiin isagoo gabi ahaanba Dalka ka dhoofay inkastoo la isku dayey in Garoonka Aadan Cade lagu hor istaago.