Waqtiga Farmaajo oo dhamaan doona isagoo aan wax talaabo ah u qaadin dhanka Somaliland

0
Farmaajo ayaa labbo sano oo kale sii maamuli doona Soomaaliya. Waxyaabihii uu ku sheegay qudbadii uu ka jeediyay Baarlamanka xiligii doorashada waxaa ku jirtay inuu Somaliland keeni doono ,taas oo ku dhawaaqday iney ka go’aday Soomaaliya inteeda kale. Waxaa jira wada hadal ay bilaawday Dowladii Shiikh Shariif oo u socday labada dhinac, sidoo kale Dowladii Xasan Shiikh ayaa iyaduna horey usii waday wada hadladii socday waxaana jiray waxyaabo badan oo ay labada dhinac isla meel dhigen inkastoo aan laga doodin arrinta madaxbanaanida. Farmaajo dowladiisu waxaa ay dhanka Soomaaliland u qaaday hal talaabo oo dhanka xun loo fasiray waana iney joojisay deeqihii sida gaar ah caalamku usiin jiray Soomaaliland, taas oo ay si xoogan uga horyimaadeen xubnaha Soomaaliland ku matala dowlada dhexe. Sida uu Farmaajo u sheegay Soomaalida iyo beesha Caalamka labadaba ,waxey aheyd inuu keeni doono Somaliland xitaa hadii ay noqon karto inuu kursigiisa u
baneeyo. Laakiin ilaa hada wax talaabo ah ma qaadin. Cumar Maxamed oo xalinta khilaafaadka bartay ayaa aaminsan in hada wixii ka dambeeya uusan Farmaajo waxba ka qaban karin arrinta Soomaaliland, waxaan Farmaajo ayaa wajahaya dagaal culus oo kaga imaanaya dhanka maamul goboleedyada, sidoo kale mucaaradka ayaa xili hore bilaabay ololahooda doorashada 2021. Sidoo kale Al Shabaab ayaa xoojiyay dilalka iyo qaraxyada, waxaana markii intaas laga cabir qaato ay ka dhigan tahay in Farmaajo uusan u
dhaqaaqi karin Soomaliland. Dad badan ayaaa aaminsan inuu hada wixii ka dambeeyo uu bilaabayo ololaha
doorashada soo socota. “Nin aan labadii sano ee uu xafiiska joogay hal duulaan ku qaadin Al Shabaab, miyaa fursad u haya wada hadal uu la galo Soomaaliland ayuu yiri Cumar, wuxuuna inta ku daray wuxuu baxaya isagoo aan waxba ka qaban arrintaas waxeyna u noqon doontaa taariikh madoow.