Xildhibaanada Ogaadeen u matala DF oo bilaabay iney la saftaan Axmed Madoobe

0

Khilaafka Axmd Madoobe iyo Farmaajo waxaa uu gaaray meel aad xasaasi u ah, waxaana muuqata in siyaasiyiinta labadda beelood ku matala Dowlada ay u kala jiheysteen labada dhinac. Farmaajo ayaa la aaminsan yahay in xili aan munaasab aheyn uu dagaal ku qaaday Axmed Madoobe. Ogaadeen iyo Mareexaan waa labada awoodood ee ugu xoogan Jubbaland, balse sida muuqata beesha Mareexaan waa masuugsan tahay saamigeeda. Waxaa la sheegaya iney dhabe qaldan wax ku raadinayan waana mida keentay in
siyaasiyiinta iyo bulshada Ogaadeen ay la saftaan Axmed Madoobe.Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ah mudane ka tirsan BF ayaa si cad ugu sheegay Farmaajo iyo kooxdiis iney qaldan yihiin, wuxuu sheegay iney rabaan in maamuladu ula dhaqmaan sida gudoomiyaal degmo, taas oo uu sheegay in ay tahay arrin aan socon karin. Wuxuu bogaadiyay sida Axmed Madoobe uu u gudanaayo waajibkiisa. Gaandi oo Ogaadeen ah ayaa mudooyinkii hore kasoo horjeeday Axmed Madoobe balse hada waxaa uu dareemaya in dagaal qabiileysan lagu soo qaaday. Dhan kale xildhibaan Cabdrashiid Xidig ayaa isagoo is qarinaya si dadban u wareeray Dowlada Farmaajo. Xidig ayaa xukuumada ku eedeeyay iney dhexda ka taagan tahay musuq baahsan ayna muhiim tahay in hanti Dhowrka iyo Xeer ilaalinta iney shaqadooda sax u gutaan oo aaney ku meereysan dad haaya xilal hoose balse lasoo qaabta kuwa maalin walba diyaaradaha lacagta ku qaada. Dhanka kale xildhibaamada Mareexaan ayaa la aaminsan yahay dhinaca Farmaajo u guureen ,tani waxa ay sii kala fogeyn doontaa Jubbaland.