Yaa ka danbeeyay qaraxii lala beegsaday Xildhibaan Booroow?

0

Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxeyso Qarax miino ah oo lagu xiray gaari uu lahaay xildhibaan maxamed mursal (BOOROOW) ayaa lagu sheegay in qaraxaasi ay ka danbeeyeen xubno ka tirsan Xukuumada Soomaliya. Qaraxaan oo geystay qasaaro nafeed iyo dhaawac iskugu jiro ayaa lagu tuhunsan yahay xubno iskugu jira wasiiro iyo taliyayaal. Dadka la tuhunsan yahay waxaa ka mid ah wasiiru dowlaha wasaarada gadiidka cirka iyo badda Abdirahman dheere iyo taliye ku xigeenka NISA Fahad yaasin.

Gaariga xildhibaanka oo yaalo meel u dhaw hotel Pan afric ee ku yaal dhabarka danbe ee tiyaatarka qaranka ayaa la sheegay in la soo ah dhigay cawada fiidkii gaari uu leeyahay Wasiiru dowlaha Gadiidka cirka iyo badda Abdirahman dheere. Dadkii goobta ka dhawaay ayaa sheegay in gaarigaan oo ah gaari nooca raaxada ah balse uu leeyahay wasiiro dowlaha la soo ag dhigay gaariga Xildhibaanka oo yaalay meel u dhaw hotel pan afric oo ah halka uu xildhibaanka degan yahay.

Sidoo kale baaris la sameeyay ilaa cawada ayaa lagu xaqiijiyay in check point ku dhaw tiyaatarka lagu qabtay gaariga looga shakisan yahay inuu miinada ku xiray gaariga xildhibaanka lagu sii daayay amar ka soo baxay taliye ku xigeenka NISA Fahad Yasin. Warbixinta oo aan hordhaceeda ay heshay shabakada Somali Sahan ayaa lagu wadaa in la soo dhameystiro ilaa 24 saac ee soo socota