ITOOBIYA OO SHEEGTAY IN DUQEYN AY KA FULISAY KU DISHAY 70 KA TIRSAN AL-SHABAB

0

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay 70 xubnood oo ka mid ahaa Al-shabab ay ku dileen duqeyn ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya.

Jeneraal ka tirsan Milatariga Dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Yilma Merdassa,ayaa sheegay in weerarkaasi uu dhacay kaddib markii ay ka war heleen in Ciidamada Al-shabaab ay weerar ku yihiin kuwa Itoobiya ee ku jira howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Yilma Merdassa,ayaa sheegay in Labo Gaari oo waday Hub iyo Ciidan la socday ay la beegsadeen duqeynta kuna dileen 70 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Waxaa uu jeneraalku sheegay in 100% qorshihii ay uga hortagayeen weerarkaas uu guuleystay.

Itoobiya ma sheegin Goobta iyo Goorta uu weerarkaasi dhacay,sidoo kale dowladda Soomaaliya wali kama hadlin sheegashada cusub ee Itoobiya.