Gudoomiyaha gobalka banaadir eng yariisow oo noqoday gudoomiyihii ugu musuqa maasuqa badanaa ee soo mara gobalka banaadir yariisow ayaa noqoday gudoomoyihii ugu safarka badnaa ee gobalka ayaado ay ku baxdo safarkiisa lacaga aad u fara badan halkii safar ee uu aado ayaa waxaa ku baxdo 20,000$ dollar yariisow ayaa safar uu ku tagay wadanka uk hal mar isticmaalay 50,000$ oo dollar safarkan ayaa ahaa mid dano asaga u gaar ah uu u socoday kaasi oo ahaa caruurtiisa oo jaamacadda ka qalin jabinayay asagoo qabsaday xaflada lacag aad u badan ay ku baxday si uu dadka reer London u tuso in uu yahay nin wax heysto
Dhanka kale gudoomiye yariisow ayaa bixyay dhulal dan guud ahaa kuwas oo ka mid ah dhul ku yaalo suuqa xoolaha ee degmada wardhiigleey oo uu siiyay shaqsiyada asaga ka ag dhaw iyo kuwa kale oo laga iibsaday . dhulalka kale ee uu bixiyay waxaa ka mid ah meelo dan guud ah oo ku yaalo suuqa xamar jadiid ee degmada wardhiigleey
Degmooyinka laga bixiyay dhulalka danta guud waxaa ka mid ah
1 wardhiigleey
2 Yaaqshiid
3 boondheere
4 dharkeenleey
5 kaxda
6 shibis
7 xamar weyne
8 kaaraan
9 wadajir
Safarada gudoomiye yariisow
Turkiga 5 labo mar shaqo 3 kale baashaal
Uk 4 booqasho caruurtiisa wax shaqo ah uma usan tagin 100,000$ dollar
Kenya 9 shaqo kuma usan tagin tumasho 60,000$ dollar
Sweden 1 shaqo uma usan tagin 30,000$ dollar
Belgium 2 hal mar shaqo 1 kale baashaal 20,000$ dollar
Dubai 3 jeer ayuu tagay baashaal 50,000$ dollar
Gudoomiye yariisow ayaa la sheegay in uu lacago badan ku bixiyo casuumada uu casuumo dumar u badan qurbo joog kuwaso oo ku baxo lacago fara badan maalinta uu xilka gudoomiyaha qabtay ilaa maantay dumar uu casuumay iyo kuwa uu Nairobi iyo Dubai ku casuumada ayaa wax ku baxay qarash gaarayo 300,000$ dollar
Musuq maasuqa lala dagaalamayo ee aan la arjin yariisow ayaa shaki weyn laga muujiyay
SomaliSahanMedia waxeey sii wadi doontaa barista la xiirto musuqa ka jiro maamulka Gobalka banaadir qeybtii koowada la soco qeybta labad