Xogo uu helay somalisahan.com oo halisa ayaa sheegaya in dhawaan la filaayo in 6 Hogaan Cidamadooda iyo Taliyaashooda si toos ah loogu wareejinayo Ciidamada Booliiska iyo Asluubta, hogaamada la wareejinayo guud ahaan ayaa kala ah Hogaanka Dabagalka, Hogaanka Macluumaadka, Hogaanka Ladagaalnka Argagixisada, Hogaanka Ciidanka iyo Hogaanka Dembi baarista.
Hogaamadan ayaa waxaa ka howlgala Ciidamo badan oo Dhamaan Dhar cad ah iyadoo Saraakiisha ka howlgasha dhamantood Dowladihii Talada dalka isaga danbeyey ay galiyeen waqti xoogan iyagoo la siiyey tababaro Dalka iyo Dibadaba ah si weyna uga dhisan xirfada Sirdoonka.
Waxaa dhawaan la wareejiyay saraakiil dhalinyaro ah oo leh xirfad sirdoon oo gaarsiisan heer caalami iyadoo ilaa hada aysan Saraakiishaa aadin Booliiskii loo wareejiyey iskana diiday iyagoo taa badalkeeda doortay in ay magaalada iska galaan taasoo halisteeda leh.
Dhawaan wuxuu Fahad Yaasiin Agaasime kuxigeenka NISA uu magacaabay gudi kala dirista NISA ka shaqeeya gudoomiyana uu uyahay Sakariye Ismaaciil, Bukhaari iyo Weeyax, ragaan uu fahad magacaabay ayaa horay dugmintiyadooda loo soo bandhigay gaar ahaan xiriirka ay la leeyihiin Al shabaab.
Taliyaha Sirddoonka Suudaan ayaan dhawaan yimid Soomaalia iyadoo Dowlada Qadar ay ka codsatay in uu u udhiso Sirdoon cusub oo uu Fahad maamulo.
Fahad Yasiin ayaa Bukhaari, Sakariye iyo Weeyax ku amray in gobolka babaadir loo qoro 200 oo qof oo cusub oo Sirdoon ah halka Xarunta NISA ee Habar Khadiijo loo qorayo 400 oo cusub kuwaa oo la rabay in markii hore lagusoo tababaro Dalka Suudaan lakiin Saalah Goosh Taliyaha Sirdoonka Suudaan ayaa shalay warqad usoo diray Taliyaha NISA Xuseen Calool Kuus wuxuuna usheegay in ay ku tababari doonin dalka taasina ay micnaheedu tahay in Saalax Goosh uu u baqay Amniga dalkiisa Suudaan waayo dadka cusub ayaa Fahad ka soo qorayaa qaar dalka Kenya iyagoo kamida Soomaalida Dagan Waqooyi Bari ee Kenya halka kuwa Gobolada Dalkeena laga qoraayo uu u xilsaaran yahay Sakariye Ismaaciil madixii hore ee Amniyaadka Alshabaab.
Macalimiinta Suudaanta ayaa la filayaa in ay maalinta barri ah magaalada Muqdisho soo gaaraan si ay u bilaabaan tababarista Ragga cusub ee ay wataan Kooxda Fahad yaasiin uu horkacayo ayna ka mid yihiin Sakariye, Bukhaari iyo Weeyax.
Hadaba somalia waxay ka timid bur bur xoogan iyo colaado iyadoo Hey’adii Sirdoonka ee dhismaha uu ku socday ay muuqata in ay burburinayaan cadowga Alshabaab iyadoo uusan Barlamaanka ka warheyn waxaana daah saarneyn in Saraakiil 14 sano qibrad iyo tababaro kala duwan soo qaatay, dowladihii horana waqti iyo maalba galiyeen in la cirib tiro ay tahay masiibo aan marqaati kawada noqoneyno waxaana Shabaab tani u tahay guul aysan waligood ku riyoon in ay hantindoonaan.