Waare oo ugu dambeyntii gacanta u galay kooxda fudeed

0

Madaxweynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu dambeyn aqbalay inuu la heshiiyo Villa Soomaaliya. Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxa socday wada hadalo u dhaxeeyay Dowlada dhexe iyo Waare, kuwaas oo markii hore Kheyre loo xilsaaray balse uu ku guul dareystay. Kulankii ugu saacadaha dheeraa ayaa xalay Villa Soomaaliya ku dhex maray madaxweyne Waare iyo Farmaajo waxaana loo ballan qaaday
lacag joogto ah, safiiro iyo in laga tallo galinaayo xilalka ay Dowlada dhexe siiso dadka kasoo jeeda Hirshabeele. Waare ayaa sidoo kale sheegay in Hirshabeelle aaney ka bixi doonin golaha Iskashiga maamul goboleedyada, isagoo sheegay inuu ka shaqeynayo xalinta iyo iney labada dhinac isu soo dhowaadan.