Banaabax Gil Gilay Maanta Qeybo Ka Mid Ah Magaalada Muqdisho {UJEEDKA}

0

Banaanbax Ballaaran ayaa waxa uu maanta ka dhacay Degmada Kaxda Ee Magaalada Muqdisho,waxaana laga soo jeediyey Baaq Culus.

Dibad baxayaasha waxay sheegeen inay ka cabanayaan Dadkooda oo si khaldan loo dilay Todobaadkii hore islamarkaana weli aan Cadaalad helin.

Qaarkood Banaanbaxayaasha waxay sheegeen in Gudoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi uu yahay shakhsi ku amar taagleeya Xukunka Maamulka Degmadaasi.

Waxay ka codsadeen Gudoomiye Yariisoow inuu xilka ka qaado Maxamed ismaaciil oo inta xilka hayo la dilay 12 Qof Sanad gudihiis oo dhamaan Shacab ahaa.

Dhawaan Ciidamada Booliska waxay sheegeen in Burcad dadka dhibi jirtay lagu dilay Deegaanka Buur Cali Janaale oo Kaxda Dhacda labo qof ayaana la toogtay 8 kalena waa la xiray,isbuucii hore.

Waxa ilaa hadda ka hadlin Eeda loo jeedinayo Gudoomiyaha Kaxda Maxamed Ismaaciil waana markii 2aad Ee lagu banaanbaxo Isbuuc gudihiis.