Maxaad ka taqaan Ciidanka سرية العمليات الخاصة Ee Howlgalada Bilaabay.

0

Waxaa markaliya ololay gaarigii uu watay Xilibaan Booroow oo kamida Gudiga Amniga Qaran ee Barlamaanka kadib markii Qarax xoogan lagu xiray Gaarigiisa iyadoo Xilibaanka uu kasoo gaaray dhaawac culus.

Xilibaan Boorow iyo Xilibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ka mida gudiga amniga barlamaanka iyagoo horey uga hor yimid waxa ka socda Hey’ada Nabadsugida iyo sirdoonka waxeyna Gudi ahaan ula kulmeen Wasiirka Amniga iyo Taliyaha NISA Xuseen Calool Kuus iyagoo sidoo kale la kulmay taliya kuxigeenadii hore ee NISA Sareeya Guuto Cabdala Cabdala iyo Gaashaanle Sare Jaamac iyagoo dhamaan wax ka weydiiyey arimaha ka taagan NISA.

Fahad Yasiin iyo Xuseen Calool Kuus ayaa arintaa ka xanaaqay iyadoo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow lagu mashquuliyey Xariga Samoow Maareeyaha Dekada oo uu Xildhibaankiisa yahay halka Xildhibaan Boorow  lala beegsaday Qaraxan si loo aamusiyo Gudiga Amniga Barlamaanka ee daba taagan halista ka socota Hey’ada Nabadsugida iyo sirdoonka.

Waa Ayo Ciidanka Horinta Howlgalada Gaarka سرية العمليات الخاصة

Ciidankan oo aan tirada saxda laheyn ayaa lagu sheegay qiyaas ilaa 60 askari iyagoo laga kala keenay qeybaha kala gadisan ee ciidanka oo ay ugu jireen fulinta shirqoolada Alshabaab ee ka dhanka ah Dowlada waxaana ciidanka ku beertay Amniyaadka Alshabaab.

Ciidankan ayaa ka kala kooban qeybaha qaraxyada, Sirdoonka iyo dilalka qorsheysan waxaana xukuma oo ay hoos tagaan Sakariye Ismaaciil madixii hore ee Amniyaad Alshabaab halka Fahad yaasiin uu leeyahay jiheysnta Ciidankan iyo waxa ay tahay in ay fuliyaan iyo sidoo kale Mishaarkooda.

Jiis Mareexaan iyo Kulankii dhex maray Alshabaab.

Maqribnimadii Sabtida waxaa si qarsoodi ah ku tagay Xaafada yaaqshiid gaar ahaan Jaamacada Muqdisho dusheeda halka lagu magacaabo Xaafada Dibiyada Cabdullahi Kulane oo loo yaqaan Jiis Mareexaan iyadoo halkaa ay ku kulmeen Amiiro ka tirsan Alshabaab sida Mowliid Madaxa Amniga Gobolka Banaadir, Cabdifataax Baari Madaxa Amniyaadka Shabeelaha dhexe iyo Muqdisho iyo Salaad Amni oo ka madaxa Sirdoonka Muqdisho ahna nin ay isla yihiin Mareexaan Cabdullahi Aadan Kulane.

Kulankan oo qaatay 35 daqiiqo ayaa lagu kala qaatay qorshe iyadoo Cabdullahi Aadan Kulane Jiis Mareexaan uu kulankan uga wakiil ahaa Taliya Xigeenka NISA Fahad Yasiin waxaana la isku dhaafsaday macluumaad iyo shaqooyin lakala qaatay  iyadoo Cabdullahi Aadan Kulane uu ku wareejiyey Madaxdii Alshabaabka Lacag uu ugu soo dhiibay Fahad Yasiin.

Falkii  lagu qarxiyey Xildhibaanka ayaa muujinaya in ay howlgaleen kooxda Fahad hoos tagta laguna magacaabo سرية العمليات الخاصة kuwaa oo uu taliye u yahay Sakariye Ismaaciil.