Xarunta Habar Khadiijo ayaa waxaa ka taagan xaalad ah howlgal ka dhan ah Saraakiisha NISA taasoo ah in xoog looga saaro kadib markii Fahad Yasiin oo ka ruqseeyey Hey’ada.
Wareegto ay ku qoran yihiin 700 oo askari ayna ku jiraan Saraakiil taasoo ku saxiixan yahay Sakariye Ismaaciil ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba laga saaray Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka loona kala wareejinayo Ciidamada kale.
Warqadan ceyrinta ah ayaa waxaa ka horyimid Saraakiisha ku jirta ee loo tababaray NISA iyadoo Fahad Yasiin uu kasoo hadlay Dalka Ugandha kuna amray Ciidanka Waran ee ilaaliya Xarunta Sirdoonka Qaranka in ay xoog kaga saaraan Saraakiishan Habar Khadiijo hase ahaatee ciidanka Waran ayaa ka hor yimid amarka Fahad yaasiin Agaasime kuxigeenka NISA.
Maalmahan waxaa ka socda burburin xoogan oo loo geysanayo NISA iyadoo badalkeeda la qorayo Alshabaab waxaana qorshahaan yahay mid halis ku ah amniga Qaranka.