Doodii beryahanba ka socotay baarlamaanka soomaaliya ee looga doodayay amniga ayaa aheyd dood aad u kulul taasi la xiriirtay amni xumada ku soo korortay soomaaliya iyo xaalka siyaasadeed oo aad u kacsan xildhibaanda baarlamaanka intoda badan ayaa xukumada ku dhaliilay wax ka qabasha la,aanta amni xumada dalka ka jirto ayagoo u yeeray in uu baarlamaanka hor yimado raisal wasaare khayre si suaalo looga weeydiyo sababta keentay amni xumada dalka ka jirto gaar ahan magaalada muqdisho. Gudiga difaaca iyo amniga ayaa warqada u qoray raisal wasaare khayre in uu hor yimado mudo 48 saacadod gudaheed xarunta villa hargeysa si uu ula kulmo gudigan Xukumada uu hogaamiyo khayre ayaa wajaheyso mucaarada aad u xoogan kaasi oo keeni karto in kalsoonida lagala laabto xukumada khayre ayaa bilaabay bixinta lacaga aan la garaneynin halka laga keenay iyo xubno baarlamaanka ka tirsan oo diiday in la laalusho.
WARKA UGU AKHRISKA BADAN
Booliska Kenya oo ka digay weerarro Al-shabab ka qorsheynayaan gudaha dalkooda
Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in ay heleen xog la isku halleyn karo oo muujineysa in AL-shabaab ay qorsheynayaan weerarro joogto ah.
Saraakiisha amaanka Kenya...