Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Sheekh, ayaa la kulmay qaar kamidah Dhallinyarada ku nool Muqdisho.

0

 

Dhallinyarada ayaa kullankaan u aragtay inuu ahaa fursadweyn oo ay u heleen iney dhageystaan dardaaranka iyo qibradda uu dalka Soomaliya u leeyahay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Ugu horeynba Dhallinyarada ayaa uga xaal warantay maraxaladihii ay goobjooga u ahaayeen iyo duruufaha ay wax ku bartaan dhallinyarada dalka wax ku barata. Sidoo kale dhallinyarada ayaa aad ugu mahadcelisay wixii uu kasoo qabtay Waxbarashada inta uusan siyaasada soo galin, iyo markii uu Madaxweynaha noqdayba, waxay sidoo  kale ku amaaneen inuu ahaa Madaxweynihii dib u furay Jamaacadda Umadda. Dhallinyarada ayaa sidoo kale su aalo ka weydiiyey Arimo dhowr ah, si ay ugu faaiideystaan Waaya aragnimadiisa, waxaana arimahaas ka mid ahaa: Waxbarashada, Shaqo Abuurka iyo arimaha Federaalka dalka. Waxaa dhankiisa Hadal ka qaatay Md XSM, oo dhallinyarada u sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsanyahay kullankooda, wuxuu kaloo ku celceliyey inuu joogteynaayo lakulanka dhallinyarada, oo uusan caawa ku ekaan doonin. Mudane XSM, ayaa waayo-aragnimadiisa la wadaagay dhallinyarada ugana jawaabay su-aalo dhowr ah oo ay weydiiyeen kuwaasoo ku saabsanaa( Waxbarashada, Shaqo Abuurka iyo Arimaha Federaalka dalka). Gabangabadii Madaxweynihii hore ayaa dhallinyarada kula dardaarmay ka shaqeynta Amniga iyo Nabadda,iyo isku duubnida bulshada gaar ahaan dhallinyarada.