Hotelka Al Jazeera ayaa waxaa uu noqday mid ka mida hay’addaha dowladda oo
bilkastaa ay dowlada ku bixiso lacago ka badan lacagaha lagu bixiyo mushaarka
ciidanka booliska Somaliyeed. Hotelka oo ay wax ku leeyihiin qaar ka mida eheladda
RW Kheyre isla markaana wax ka maamulaan ayaa noqday meel loo istcimaalo waxa
afka qalaad lagu yiraahdo “Money Laundering” ama lacaga been abuurka ah la soo
marsiiyo. Waxaana barnaamijkaan qayb ka ah dhamaan mas’uliyiinta dalka haba u
horeeyo RW Xassan Cali Kheyre oo in ka badan labaatameeyo qof u jiifato
Hoteelka. Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mida shaqaalaha Hotelka lacagaha ugu
badan waxa la sheegtaa in ay ku baxeen qolal loo xiray RW Kheyre iyo saaxibadiisa,
inta badan qolalkaas waxa ku qoran kontameeyo qof oo aan joogin dalka laakiin
lacag lagu qaado.
Hadii aan tusaale u soo qaadanao waxaa Hotelka la dejiyay shaqasiyaad iyo
ehalooda kuwaas oo ana muhiimad gaar ah u hayinin umadda Soomaliyeed sida
Maxamed Xuseen Owliyo, Cabdi Shire Ciyaal jecel oo ah xildhibaan ka tirsan
dowladda hadana waxa sida aan xaqiijinay waxaa bishii ku baxda labada qof oo
kaliya in ka badan $26,850 oo ay u sii dheeraty lacagta mushaarka loo siiyo.
Dowlada sheeganaysa in ay la dagaalayso musuq-maasuqa ayaa hadana waxaa ay si
aan gabasho lahayn ugu takri falaysaa hantida qaranka.