Waa kuma siyaasiga Hawiye ugu fursada badan 2021 ?

0

Beesha Caalamku waxa ay fileysa in doorashada soo aadan ee 2021 uu soo bixi doono siyaasi kasoo jeeda beesha
Hawiye, waxaana durba bilaabatay dood ku saabsan siyaasiga uguu fursada badan Hawiye
2021. 2016 waxaa ay xubnaha beesha caalamku saadaliyeen inuu doorashada imaan doono siyaasi Daarood ah taas oo dhacday, inkastoo ay dowlada Itoobiya sheegtay in qof Daarood ah uusan xiligaan maamuli karin Soomaaliya. Dalalka Sacuudiga iyo Emirate-ka carabta ayaa raadinaya qof Hawiye ah oo ay dhisan doorashada soo aadan madaama ay sadaashu Hawiye u ba an tahay. Siyaasiyiinta Hawiye ee la filaayo iney 2021 is sharaxaan waxaa ka mid ah Xasan Shantaas nin midkood ayey dhisi doonaan Sacuudiga iyo Emirate-ka oo aaminsan inuu soo bixi doono qof u dhashay beesha Hawiye. Xasan Shiikh waxaa dhib ku ah in Damuljadiid aad loo nacay, Xasan Kheyre waxaa dhib ugu filan inuu cadaw badan ku dhex lee yahay beeshiisa Hawiye,
Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa uu u dhimanaya kiiskii Badda, halka Thabit Cabdi loo arko siyaasi wali dhalinyaro ah.
Shariif Shiikh Axmed ayaa 2021 loo arkaa qofka Hawiye ugu fursada badan, sababaha loo sadaalinaayo waxaa ka mid ah
1-Shariifku wax cadaawad ah kuma lahan gudaha qabiilada Hawiye, Daarood ,Dir ,Raxanweyn iyo beesha Shanaad.
2-Waxaa aad u yar qaladaadkii ay gashay Dowladiisa.
3-Kooxda Altixaad oo aaminsan iney muhiim tahay iney xukunka kusoo laabtan.
4- Inuu ka dhex faa’iideysan karo kooxda Farmaajo iyo kooxda Xasan Shiikh oo aad isu neceb.
5- Isbadalka loo baahan yahay oo sheegaya in Hawiye markale xukunka qabto.
6-Xulufada Sacuudiga iyo Emirate-ka oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Shariifka.
Qodobadaas ayaa Sheekh Shariif ka dhigaya qofka
Hawiye ugu fursada badan 2021.