Xog aan helnay ayaa sheegaysa iney socdaan qorshayaal ay Dowlada dhexe dooneyso iney ku bur buriso guud ahaan xisbiga Wadajir.
Xisbigaan waxaa hogaamiya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo loo arko mucaaradka ugu weyn ee ku horgudban Farmaajo iyo kooxdiisa xukunka heysa.
Dad xogogaal ah ayaa u sheegay Guuxa Online, in la qorsheeyay qaabkii xisbigaan loogala noqon lahaa sharcigii diiwaangalinta ama aqoonsigi xisbinimo.
Talaabadan waxaa loo isticmaali doonaa Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir iyo gudoomiyaha guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey.
Waxaa la sheegaya in madaxtooyadu ay lacag aad u xoogan u diyaarisay arrintaan, oo lasiin doono Xeer ilaaliyaha iyo guddiga doorashooyinka. Soomaaliya marnaba lama filaayo inuu musuq maasuqu dhamaado.
Xeer ilaaliiyaha ayaa luf lufi doonaa xoogaa eedeymo ah oo ku saabsan xisbiga wadajir, taas oo loo gudbin doono guddiga doorashooyinka madaxbanaan , kuwaas oo iyagana la filaayo iney eedeymaahaas aqbalaan kadibna Xisbigaas aqoonsigii kala noqdaan.
Doodda arrintaan ayaa durba bilaabatay. Inkastoo sheekadan ay cusub tahay hadana wax laga cabsi qabaa in hadii laga dhabeeyo ay fowdo siyaasadeed abuurto. Farmaajo looma arko nin dhibkaas fahmi kara.
Tuhunka arrintaan ayaa xoogeystay kadib markii shalay ay guddiga doorashooyinku xilkii ka qaadeen gudoomiye kuxigeenkii guddigaas Sayid Cali kaas oo la aaminsan yahay inuu ka horyimid qorshaha ay Villa Soomaaliya kula dagaalameyso xisbiyada qaarkood.
Guddiga doorashooyinka ayaa ka madaxbanaan dhamaan laamaha Dowlada, laakiin Xaliimo Yareey iyo kooxdeedu waxey u muuqdaan kuwa aan fahmin shaqadoodu waxey tahay, waxaana laga cabsi qabaa iney shaqadooda qaadacan dhamaan xisbiyada siyaasada iyo maamul goboleedyada ,taas oo hadii ay dhaco dhamaantood meesha ka saari doonta.
Xafiiska Norwey Xamar Post