Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa ansixiyey is-beddel lagu sameeyey xeerka bankiga dhexe ee Soomaaliya.
Is-beddelkan ayaa waxaa ogolaaday 158 ka mid ah xildhibaanada, ayada oo ay diideen kaliya 17, mana jirin cid ka aamustay.
Xeerka Bankiga Dhexe, ayaa dhigayey in shuruudda koowaad ee laga doonayo qofka xilka guddoomiyaha bankiga dhexe qabanaya uu yahay muwaadin Soomaaliyeed. Waxaa hadda albaabka ay tani u furaysaa in qof ajnabi ah xilkan loo dhiibi karo.
Wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe gaar ahaan lambarkiisa 130aad ayaa ka dhigan in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo ay in qof kasta oo ugu dhibco sareeya, karti ahaan, aqoon ahaan iyo hufnaan uu noqonayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.