Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hishabelle iyadoo ay garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo ay ugu horeyso Marwo Canab Axmed Ciise,Maamulka gobolka Sh/dhexe iyo maamulka degmada Jowhar.
Dib ugu laabashada Jowhar ee Guddoomiye Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ka dambeysay, markii ay soo shaac baxday warar sheegaya in laga wado Mooshin isaga ka dhan ah.
Guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar iyo kusimaha guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Maxamed Cabdi Sheekh ayaa hadalo soo dhoweyn ah ka jeediyay munaasabad lagu soo dhoweynayay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle.
Sidoo kale munaasabada ayaa waxaa ka hadashay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle Canab Axmed Ciise waxayna ku wareejisay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle xilalka ah kusimaha Madaxweynaha Hirshabelle iyo guddoomiyaha Baarlamaanka.
“Guddoomiye igala wareeg xilalkii badnaa ee maalmahaan aan hayay,xilkii guddoomiyaha baarlamaanka igala wareeg,xilkii kusimaha madaxweynaha igala wareeg.”ayay tiri Marwo Canab Axmed Ciise oo muddo kabadan labo bil ahayd kusimaha Madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle.
Soo dhoweynta wafdiga uu horkacayay guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xildhibaanadii la socotay ayaa markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar kadib ayuu saxaafada la hadlay guddoomiyaha baarlamaanka waxana uu sheegay in baarlamaanka fasax uu ku jirey isla markaana dhowaan la furi doono kalfadhiga baarlamaanka.
“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan xubnaha baarlamaanka ee ka maqan caasimada Hirshabelle inay si deg-deg ah u soo galaan.”ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.
Sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ayaa baaq nabadeed u direy beelo ku dagaalamay deegaano ka tirsan Hirshabelle.
Dib ugu soo laabashada magaalada Jowhar Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre ayaa ku soo beegmaysa xilli maalmihii la soo dhaafay ay ka socdeen magaalada Jowhar iyo Muqdisho warar sheegaya in uu socdo mooshin xilka ka qaadis ah oo laga diyaarinayo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle.