DEG DEG:-Qarax Iyo Is-Rasasaayn Xooggan Oo Laga Maqlayo Magaalada Nairobi

0

Breaking News

Telefishinka Citizen TV waxa uu goor dhow sheegay in  Qarax xooggan oo ay xigeen rasaas culus laga soo weriyey Xaafadda Westlands ee magaalladda Nairobi.

Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegay in abaarihii 3-dii galabnimo ee Xilliga Afrikada Bari uu qaraxu ka dhacay meel ka baxsan mid ka mid ah Dhismayaasha ku yaalla 14 Riverside ee xaafadda Westlands ee Nairobi.

Sawirka gaari uu dab qabsaday  iyo qiiq xooggaan oo laga arkayo Deegaankaasi ayaa  la soo dhigay Baraha Bulshadda.

Dadku waxay ku xaniban yihiin Dhismayaasha, iwaxaana la soo werinayaa in qof Shiish-yhan ah  uu saaran yahay mid ka mid ah Dhismayaasha.

Xaalladda ayaa weli cakiran, iyadoo Bolis badan loo daad-gureeyey deegaanka ay qaraxa iyo rasaasta ka socoto.