Xog gaara oo ay heleyso Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegeysa in Maalmaha soo socda Magaalada Muqdisho looga dhawaaqayo Xisbi uu hoggaamiye u yahay Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Thaabit Cabdi.
Thaabit Cabdi ayaa olole xoogan ka wada Magaalada Muqdisho, waxaana gaba gabo maraya diyaar garowga Xaflada looga dhawaaqayo Muqdisho.
Xisbigan uu doonayo Thaabit Cabdi inuu ku tartamo doorashada soo socota ayaa waxaa ku badan Dhalinyaro firfircoon oo siyaasadda hami badan ka leh.
Thaabit ayaa wax badan oo Bulshada ku xasuusato qabtay intii uu ahaa Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, wuxuuna si dhow ugu kuur gali jiray Xaalada dadka dhibaateysan ee caawinta u baahan waxaana qaar ka mid ah Bulshada ay u arkaan inuu noqon karo Hoggaamiye Wanaagsan.
Wali lama oga Siyaasiyiinta caan ka ah iyo Xildhibaanada kasoo muuqan doona Xisbiga Thaabit Muqdisho kaga dhawaaqayo balse maalmaha soo socda ayaa la kala ogaan doonaa.
Xisbigan ayaa cabsi gelin doona Villa Somalia maadaama ay dagaal hada kula jiraan Xisbiyada kale waa weyn ee kasoo horjeeda aragtida siyaasadeed ee Dowlada Federaalka, waxaana Thaabit la og yahay inuu Xilkiisa ku waayay Khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Kheyre.