Madaxweynaha Kenya Oo Shaaciyay Tirada Dadka Ku Dhintay Weerarkii Nairobi

0

Uhuru Kenyata

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in lasoo afjaray howlgalka ka dhanka ah weerarka lagu qaaday hoteelka DusitD2 oo ku yaalla galbeedka magaalada Nairobi.

Kenyatta wuxuu sheegay in 14 qof ay ku dhinteen weerarka.

Wuxuu sheegay madaxweynaha in la laayay dadkii weerarka soo qaaday.

Madaxweynaha Kenya ayaa amaanay sida degdeg ah ay laamaha ammaanka Kenya uga falceliyeen weerarkaas.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas,iyaga oo sheegay inay ku dileen dad farabadan.