Sheekh Keenyaawi”Waa Been Inuu Dil Iigu Hanjabay Abtigey Xildhibaan Mahad Salaad

0

Kenyawi

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafinayay inay jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa  Sheekh Kenyaawi iyo Xildhibaan Mahad Salaad,hayeeshee warkaasi uu beeniyay Sheekh Kenyaawi.

Sheekha oo wareysi dhinacyo badan taabanayay siiyay Dalsantv ayaa waxa uu ka hadlay waxa ka jira warkaas,sababaha uu u yimid Magalada Muqdisho iyo dhaliilo dad badan ay u jeedinayeen.

Gelinka dambe ee Maanta ayaa la filayaa in Sheekh Kenyaawi Muxaadaro cinwaankeedu yahay”Caf walaalkaa” uu ku qabto Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadiom.