Ciidamada Xoogga Dalka Oo Gacanta ku Dhigay Xubno ka Tirsan Al Shabaab (SAWIRRO)

0

Img 20190120 Wa0034

Ciidamada xoogga dalka ayaa hawlgal maanta ay ka sameeyeen degmada Waajid ee Gobolka Bakool ku soo qabtay Saddex ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, sida uu sheegay Taliyaha Ururka 260-aad guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ka hawgala deegaanadaasi Daahir Cali Mahame.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in maleeshiyaadkan gacanta ay ku soo dhigeen ay ahaayeen kuwo shacabka ku dhibaateynayay wadooyinka, islamarkaasina ay ahaayeen madax jabis.

Guud ahaan gobolada dalka waxaa ka socda howgal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab oo dib looga xureynayo deegaanada dalka ay kaga sugan yihiin.

Ciidamada xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Bakool ayaa wada dadaalo ay uga hortagayaan boobka askareynta ah oo maleeshiyada Al Shabaab ay ku haayaan carruurta dhigata dugsiydaa baadiyaha ah iyo kuwa xoolaha raaca.