Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa
ku eedeeyay colaadaha ka jira deegaano ka mid ah Hirshabelle inay hurinayaan mas’uuliyiin,cuqaal iyo ganacsato ka soo jeeda Hirshabelle.
Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Hirshabelle isagoo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaal beeleedyo dhowaan ka dhacay deegaano kala duwan oo ka tirsan Hirshabelle.
“Iyadoo ay jiraan dhibaatoyin dhinaca abaaraha ah in shacabka Hirshabelle ay isdilaan waa wax nasiib darro ah oo aan loo baahnayn,”ayuu yiri Madaxweyne Waare isagoo ku tilmaamay nasiib darro dagaalo ka dhacay deegaano ka mid ah Hirshabelle.“Waxaa jira dad niyada,gacanta,maskaxda iyo afkaba ku taakuleynaya dagaalada socda waxaana ka mid ah dadkaas masuuliyiin,dhaqan, ganacsato iyagoo dagaaladana ku raaxeysanaya,waan arkeynaa dadkaas waana iska celineynaa.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.
Dhinaca kale waxa uu u mahadceliyay Madaxweyne Waare masuulyiinta, cuqaasha iyo ciidamada ka qeybgalay sidii loo xasilin lahaa deegaanada ay dagaal beeleedyada ka dhaceen.
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha Hirshabelle xaaladaha ka jira Hirshabelle.
Madaxweyne Waare oo toddobaadyadii la soo dhaafay howlo shaqo ugaga maqnaa xarunta Hirshabelle ee Jowhar ayaa lagu wadaa in dhowaan uu si rasmi ah u furo kalfadhiga Baarlmaanka Hirshabelle.