SAWIRO: Dagaal Ka Dhana Al Shabaab Oo Ka Socda Jubbaland

0

1 8

Madaxweynaha Jubbaland oo wali ku sugan Doobley ayaa maanta booqday Saldhigga Ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin Doobley, Waxaana uu halkaasi kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in howlgalka xoraynta degaanada maqan ay diyaar u yihiin oo dhaqaaq uu sugayo wuxuu intaas ku daray in dhawaan ay gacanta soo galayaan Degmooyinka Xagar ,Badhaadhe iyo Gobolka Jubbada Dhexe isagoo sheegay in Ciidamadii shaqadaas qaban lahaa ay diyaar ku yihiin meelahii loogu tala galay.

Waxaa uu sheegay Madaxweynahu in Al-Shabaab ay dharbaaxo adag ku dhufteen Ciidamadu isla markana ay tuseen kharaarka ay leedahay guul darada iyo dhimashada.

Wuxuu ku dheeraday Madaxweynahu in Howlgalada ay bilaabanayaan Ciidamaduna ay guulaysan doonan isagoo Siyaasiyiinta Soomaalida ku booriyay in dagaalka loo midoobo oo wakhtiga Siyaasda la galinayo lagu bixiyo xoraynta wadanka.