Shabaab Oo Werar Culus Ku Qaday Xarun Shirkad Oo Laga Leyahay Shiinaha

0

Shabaab Weerar

Al-Shabaab ayaa weerartay xarun shirkad laga leeyahay Shiinaha ku laheyd Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Mas’uuliyiinta Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday deegaanka Shimbirley oo 70KM u jirta magaalada Gaarisa.

Xarunta Shirkadda la weeraray ayaa la sheegay inay ka waday deegaanka Dhismaha Waddooyinka.

Iska hor imaad ayaa dhex maray dableydii ka tirsaneyd Al-Shabaab iyo Ilaalada Xarunta ku sugnaa, waxaana si rasmi loo ogeyn khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka.

Al-Shabaab ayaa horay weeraro ka geystay Gobolka waqooyi Bari Kenya, waxaana weerarkan ku soo aadayaa, todobaad kaddib weerarkii Hotelka Dusit ee magaalada Nairobi.