Sawirro:-Maxay Tahay Halka Ujeeda Ee Ku Jirta Howl Galka Bur burinta Yariisow Ee Uu Kawado Muqdisho

0

3 95 720x430

Maamulka Gobolkan Banaadir oo uu horkacayo Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa waxaa saakay ay howlgal burburin ah ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir.

Howlgalkaas ayaa waxaa lagu burburiyay dhul ay dad ku Ganacsanayeen oo Maamulka gobolka Banaadir uu sheegay in uu ahaa mid Sharcadarro ah,kaa soo ku yaalla Waaxda Oktoober ee Degmada Waaberi.

Waxaa uu sidoo kale digniin u diray dad uu sheegay inay weli ku jiraan dhulalka Danta guud,isaga oo sheegay in tallaabo laga qaadi doono.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay u bur buriyay dhismooyin si sharcadarro ah loo dhistay oo ku yaalla Gobolkan Banaadir oo qaarkood ay ku jiraan wadooyin muhiim ah oo Guryo iyo Goobo Ganacsi laga dhex dhistay.

Duqa Muqdisho Eng, Yariisow oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhulkaas uu ka mid yahay goobaha danta guud,hayeeshee si sharcidarro ah ay dad isaga Ganacsanayeen.