Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in ay jiraan Ganacsato Soomaaliyeed lacago farabadan siiya Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in Ganacsatadu ay isku furtaan lacagtaas,isla markaana deegaano badan oo dalka ah inay Shabaab Ganacsatadooda lacago farabadan ka qaataan.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Al-Shabaab dhibaatooyin farabadan ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed,isla markaana qaarkood hub qaateen,waxana uu ugu baaqay Shacabka inay diidaan lacagaha ay ka qaadayaan Al-Shabaab.
“Runtii horta in ganacsatada Soomaliyeed Shabaab lacag siiyaan wax la ogyahay waaye,waxaa la dhihi karaa meel furan oo ay lacag ka qaadan waa ay yartahay,shabaab dhibaato weyn ayuu dalkaan ku hayaa waana wax la ogyahay,hayeeshee Shacabku yeysan naftooda dambi gu gadan ayuu yiri Wasiir Maareeye.
Hadalkaan kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli xalay Ganacsato farabadan lagu xir xiray magalada Jowhar,kuwaas oo lagu eedeyay inay lacag siiyeen Al-Shabaab.