DEG DEG Qarax Ka Dhacay Muqdisho

0

Breaking News

Qarax nuucisa lagu sheegay in uu yahay mid gaari ayaa waxaa uu dhawaan ka dhacay Isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho.

Khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaani ka dhashay weli lama xaqiijin, war Risaala ay heleyso ayaa tibaaxaya in qaraxa uu ahaa nuuca gawaarida lagu dhajiyo lamana oga shaqsiga watay gaarigaasi ee qaraxa loogu xiray.

Waxaa durbadiiba goobta uu qaraxa ka dhacay oo ah goob aad u Mashquul badan, gaaray gaadiidka gurmadka deg dega iyo dab dabiyeyaal si ololka ka dhashay qaraxaasi ay u damiyaan.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale gaaray goobta waxaana hakad galay isku socodka gaadiidka wadadaas