Xoog Muhiim ah Yuu Noqon Doonaa Gudoomiyaha Cusub Ee Maamulka Gobalka Banaadir.

0

Xoog Muhiim ah Yuu Noqon Doonaa Gudoomiyaha Cusub Ee Maamulka Gobalka Banaadir. 

26. January Inta uu Madaxweyne Farmaajo aadin Caleemo saarka Madaxweynaha Puntland waxaa la filaayaa in la magacaabo Gudoomihaya Cusub ee Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, sida la filaayo waxaa miiska saaran 9 qof oo kala ah:-

1. Maxamed Cali Ameriko oo safiirka hore ahaa 

2. Abukato Cumar Dhegey oo ahaa gudoomiyihii Doorashada Dadban ee kooxdii Qabyo

3. Eng. Axmed Washington oo ah Maareeyaha dekeda xamar

4. Cali Gacal gaabow oo ah Agaasimaha Wasaarada Gaadiidka Cirka

5. Cumar Cali Rooble oo ah La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ahlu-Sunna 

6. Cumar Cabdulle Qaanso oo ah Gudoomiyaha Degamada Wadajir 

7. Eng. Yuusuf Jaale oo ahaa Maareeyihii SCAMA 

8. Max’ed Abukar Islow Ducaale oo ah Wasiirka Amniga

9. Cabdi jiinow Calasow oo ahaa Maareeyihii hore Dekeda xamar. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa aad  walaacsan shaqsiga uu xulan lahaa, maadaama 9Kan qof ay yihiin dad qabiilka kursiga iska leh & Kooxo ku xiran  kooxda qowleysatada ah Ee la shaqeeyso Farmaajo iyo khayre.