Ilaa Iyo Hadda Imisa Madaxweyne Dowladgoboled ayaa Gaaray Garowe Ee Puntland

0

Wafdiga 1

Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa kusii qul qulaya wufuud kala duwan,kuwaas oo doonaya inay ka qeyb galaan Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka amababaxay  Magalada Kismaayo ayaa lagu soo dhaweeyay Magalada Garoowe.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi waare iyo Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen) ayaa gaaray Magalada Garoowe,iyaga oo ka mid ah wufuuda ka qeyb galeysa Xaflada Caleemo saarka Madaxweyne Siciid Deni.

 

Ammaanka Magalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay,waxaana sidoo kale saacadaha soo socda la filayaa inay tagaan qaar ka mid ah Madaxda Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka.