Somalia Iyo Kenya Oo Ka Shiraya Burburinta Ciidanka Kenya Ku Hayaan Xarumaha Shirkadda Hormuud

0

2 105 750x430

Kadib markii ay soo badatay in Ciidamada Kenya ay si joogta ah u bur burinayaan Xarumaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay deegaanada Jubbalnad ayaa waxaa si klul uga hadlay Xukuumada Soomaaliya.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xaaji ayaa warbixin la xiriirta burburintii u dambeysay ee Ciidanka Kenya Xarunta hormuud ee Gobolka Jubbada Hoose u gudbiyay Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay Xarumaha Shirkadda Hormuud bur buriyeen markii Saddexaad,isla markaana dowlada Soomaaliya ay aad uga xuntahay.

Waxa uu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad dhawaan uu aadi doono Magalada Mandheere,isla markaana shir looga hadlayo burburintaas uu ka dhici doono 28 ilaa 29 Bisha soo socota.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Wasiir Cawad laga sugayo jawaabta ay Dowladda Kenya ka bixiso falka qaldan oo ay ku kacday,isla markaana ay ku burburisay Xarumaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.