Ciidamo Tira Badan Oo la wareegay deegaano ka tirsan Jubadda Hoose

0

Saldhiga

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo is kaashanaya ayaa la wareegay deegaano dhaca Galbeedka Kismaayo.

Sida wararku sheegayaan ciidamada isbaheysanaya ayaa iska caabin kooban kala kulmay dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Deegaanada ay la wareegeen ayaa kala ah Beerxaani, Cabdalla Biroole, Cabdi Dhoore, Haad Weyne, Laheley iyo deegaano kale.

Ciidamada Jubbaland ayaa horay isaga soo baxay deegaanadan oo ay dhowr jeer la wareegeen..

Abaabulo ciidan ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka socday Jubadda Hoose, waxaana ciidamada isbaheysanaya duulaan ku yihiin Jubadda Dhexe oo ah gobolka kaliya ee ay si buuxda gacanta ugu hayaan Al-Shabaab.