Darawal ku dhintay Shil gaari oo ka dhacay Muqdisho

0

3

Nin Darawal ah oo watay gaari nooca Somalida u taqaan Ina tareega (Kurimoor) ayaa xilli uu isku dayaayay inuu fuulo Buundada Sheelare ee Degmada Xamar Jajab, waxaa gaariga kaga dhagay Bareega.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay Darawalka gaariga waday inuu isku dayay Bareega inuu ka fujiyo gaariga ,islamarkaana uu hoos galay baabuurka, kadibna uu gaariga sidaasi uu ugu soo dhaqaaqay

Qof goobjooge ah oo arkaayay dhacdada sida ay u dhacday ayaa sidaan ku waramay.

“ Darawalkii wuxuu ka soo dagay gaarigii uu waday, isaga oo dhagax u dhigay mid ka mid ah taayarada gaariga, wuxuuna hoos galay Baabuurka si uu u farsameeyo cillada qabsatay gaariga ee Bareega ku dhagay (Fariinka ku dhagay), kadibna wuxuu taabtay oo uu jiiday qaybta laga maamulo bareega ee hoose, waxaana sidaas dib ugu soo dhaqaaqay gaariga isaga oo ku hoos jira madaxa ayuuna ka maray gaariga taayarkiisa, halkaasi ayuuna ku dhintay Allaha u naxariisto Marxuumka.” Ayuu yiri Qof goobjooge ah.

Darawalada Baabuurta Xamuulka ayaa ku shaqeeya Marxalad adag & qataro badan oo ku aadan meelo halis ah oo Baabuurka hoostiisa ah inay madaxa la galaan, xilli Baabuurka uu shidan yahay oo dhibaato badan ay ka dhalan karto.