Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa maanta waxaa ka dhaceysa doorashada Kursi ka mid ah Golaha Shacabka Somaliya.
Guddiga Doorashada ayaa sheegay doorashadan inay dhaceyso maanta, waxaana Kursigan u taagan illaa Afar Musharax.
Xildhibaanka Kursigaan ka geeriyooday, ayaa lagu magacaabi jiray Marxuum Xildhibaan Khaliif Sheekh C/laahi Dheere oo xanuun ugu geeriyooday 28/April/2018 Magaalada Muqdisho.
Musharaxiinta Kursigaan ku loolamaysa, ayaa waxa ay kala yihiin.
- Isaaq Khaliif Sheekh
- C/qadir Shekh Maxamed Nuur
- Xasan Macallim Ibraahim
- C/laahi Shekh Maxamed
Odayaal ku shiray Magaalada Baydhabo shalay ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan doorashada maanta ka dhaceysa Magaalada Baydhabo.
Guddiga Doorashada ayaa sidoo kale sheegay saddex Kursi inay ka banaan tahay Golaha Shacabka Somaliya, kuwaasi oo dhawaan lagu qaban doono deegaan doorashooyinkooda.