Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kadib kulan gaar ah oo uu la yeeshay Shaqaalaha Xafiiskiisa waxa uu kaga digay nay ku kacaan fal la xiriira musuq maasuq.
Hadal kooban oo uu u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Shaqaalaha Xafiiskiisa ayuu sheegay in looga baahna yahay inay ka digtoonaadaan falalka la xiriira musuq maasuq,isla markaana ay noqdaan dadka koowaad ee la dagaalama.
Waxa uu sheegay in looga bahan yahay inay noqdaan tusalaaha dowladnimo,si ay ugu daydaan Hay’adaha kale ee dowladda,sidoo kalena Shaqaalaha qofkii arka wax la xiriira musuq maasuq uu u gudbiyo Agaasimaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.,
Hadalkaan digniin ah oo uu Kheyre u jeediyay Shaqaalaha Xafiiskiisa ayaa daba socda xilli horay uu u sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin in la musuq maasuqo hantida dadweynaha,isla markaana mas’uuliyiin farabadan loo xiray.