SAWIRRO: Shabaab oo soo bandhigay gaari & hub ay ku qabsadeen dagaalkii Baar Sanguuni

0

F2e1df17 9a9d 4260 9ea3 8317ef1caff2

Al Shabaab ayaa soo bandhigay Gaari dagaal & Saanad Militari oo ay ku qabsadeen dagaalkii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose.

Warbaahinta Shabaab ayaa soo bandhigtay gaari Cabdi bile ah oo uu ku xiran yahay Qoriga wayn ee dashiikaha waxayna sheegeen Dagaalkii Baar Sanguuni in lagu qabsaday.

Gudoomiyaha Shabaab u qaabilsan Gobolada Jubbooyinka Sheekh Abuu Cabdalla oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay hubka ay soo furteen inuu isugu jiray Qoryaha kala ah Dabajeex, Ak 47, rasaas iyo bambooyinka gacanta laga tuuro.

Wuxuu sheegay hubkaasi inuu hadda ku jiro gacanta Ururka Shabaab, islamarkaana taasi guul ay u tahay Shabaab.

Dagaalkii Baar Sanguuni oo ay soo qaadeen Shabaab ayaa khasaare xoog leh ka soo gaaray dagaalkaasi, kadib markii gaari UD oo ay saarnaayeen Shabaab lagu duqeeyay, xilli ay ka laabteen furunta dagaalka.

Mareykanka ayaa sheegay duqeyntaasi in lagu dilay tiro dagaalyahano Shabaab oo gaaraya 50 xubnood.