Cabdi Maxamuud Cumar Oo Arimo Dhowr ay Xukun Ugu Dhici Karaan

0

Abdi Illay

Xeer Ilaalinta Guud ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in maalmaha soo socda Maxkamad lagu soo celinaayo Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

War ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in la soo gaba gabeeyay baaritaan shan Bilood ku socday eedaha loo haysto Cabdi Maxamuud Cumar iyo 45 xubnood oo kale oo ka mid ahaa maamulkiisa.

Eedaha Cabdi loo haysto waxaa ka mid ah in uu amray dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sida qoorgoyn,waxyeelleynta dadka laga tirada badan yahay, jirdil iyo dambiyo kale oo ka dhacay Gobolka intii uu hoggaanka hayay.

Waxaa kale oo dusha loo saaray khasaarihii ka dhashay rabshadihii Jigjiga ka dhacay 4-tii August oo ay ku dhinteen 58 qof, dad ka badan 200 Qofna ay ku dhaawacmeen sidoo kalena lagu gubay Hanti dadweyne.

Xeer illaaaliyuhu ma sheegin muddada ay dhaceyso Maxkamadeynta ama xukunkiisa lagu dhawaaqayo waxaana uu xusay in baaritaannadii la soo gaba gabeeyay islamarkaana un xukunka dhiman yahay.

Dhowr jeer ayuu Cabdi Maxamuud Cumar ka soo muuqday Maxkamad ku taalla Addis Ababa, waxaana uu beeniyay eedaha loo heysto.